Sababtii Ay Khalad U Ahayd In Ciyaarta Laga Saaro Saliba Oo La Sharaxay

Garsoorihii hore ee Premier League Mark Halsey ayaa aaminsan inay jiraan seddex sababood oo ahayd in aan ciyaarta laga saarin William Saliba kulankii kulankii Bournemouth.

Bournemouth Ayaa ka faa’iidaystay casaanka Saliba waxana ay Arsenal dusha u saareen guuldaradii ugu horaysay ee premier League.

Garsooraha ayaa markii hore kaadhka digniinta ah u taagay Saliba Laakiin VAR ayaa dib u celisay waxana uu kaadhka cas u taagay Xiddiga Saliba.

Saliba ayaa haatan seegi doona kulanka adag ee ay Arsenal la ciyaari doonto Liverpool kulan ka tirsan premier League.

Garsoorihii hore ee Halsey ma rumaysna in VAR ay ahayd inay soo farageliso si kastaba ha ahaatee, garsoorihii hore ayaa sheegay in casaankii Saliba uuna buuxin 4-ta shuruudood oo looga baahnaa in Saliba ciyaarta laga saaro.

“Waa go’aan shakhsi ahaaneed, markaa uma malaynayn in garsooraha VAR uu u baahnaa in uu soo dhex galo”ayuu yidhi.

“Diidmada fursada gool dhalinta, waxaan eegnaa afar qodob oo muhiim ah, waxaana shaki iga galay seddex ka mid ah kuwan”.

“Farqiga u dhexeeyay goolka iyo Weeraryahanka ayaa aad u badnaa, Xiddiga Evanilson ayaa aaad uga fogaa dhinaca goolka sidaas darteed su’aal ayaa la galinayaa arintan”.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga