
Liverpool ayaa ku guulaysatay Horyaalka Premier League xilli ciyaareedkan kadib qaab ciyaareedkii cajiibka ahaa ee ay Soo bandhigeen.
Reds ayaa u dabaal-dagtay ku Guulaysiga Premier League Kadib markii ay garaaceen Tottenham kulan ka dhacay Anfield kana tirsanaa premier League.
Sababta ay Liverpool ugu guulaystay Horyaalka Premier league ayaa ah in ay badisay kulamada ugu Badan ee martida.
Liverpool ayaa dhibcaha ugu badan ka uruursatay kulamada martida xilli ciyaareedkan.
Waxa ay guul 3/0 ah ka gaadheen Man United Oo joogta Old Traford Halka ay 5/0 Kaga badisay Tottenham oo joogta garoonkeeda.
Waxa ay bar-baro la galeen Arsenal, Halka ay Halka ay Nottingham Forest bar-baro la galeen sidoo kale wakhti dambe ka badiyay Brentford.
Liverpool ayaa garaacday Man City Oo joogta garoonkeeda Etihad Stadium kadib gool iyo caawin uu sameeyay Salah.
Waxay ku guuleysteen Molineux iyo Selhurst Park. Craven Cottage ayaa ahayd goobta kaliya ee 17-kii ay ilaa hadda booqdeen halkaas oo aysan wax dhibco ah ka soo qaadin.
Isku soo wada-duub, Liverpool ayaa ku guulaysatay Horyaalka Premier league sabab la xidhiidha natiijooyinkii kulamada martida xilli ciyaareedkan.
Be the first to comment