“Sababta Aanan Uga Tagin Barcelona Una aadin Chelsea” – Lopez

Xiddiga Barcelona, Fermin Lopez, ayaa sharaxaad ka bixiyay sababta uusan uga tagin kooxda xagaagan suuqa kala iibsiga, isagoo u dhaqaaqi waayey Chelsea.

Lopez ayaa xiiso ka helay kooxda Blues xilliga suuqa kala iibsiga xagaaga.

Laakiin ugu dambeyntii, ma uusan ka tagin Blaugrana una wareegin kooxda Premier League ee West London.

Fermin Lopez ayaa yiri”Heshiiska Chelsea? Ugu dambeyntii, mudnaantaydu mar walba waxay ahayd inaan sii joogo Barça.”

“Anigoo 12 sano jir ah ayaan halkan imid. Mar walba waa wax wanaagsan in koox kale ay xiiseyso, laakiin anigu mar walba waxaan lahaa fikradda ah inaan halkan ku sii sii socdo oo aan guulo ka gaaro.”

Heshiiska Lopez ee Barcelona ayaa dhacaya sanadkii 2029.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga