Tababaraha Kooxda Man United Rúben Amorim ayaa muujiyay farxad weyn kadib guushii kooxdiisu ka gaartay Liverpool kulan ku dhamaaday 2/1 ciyaar ka dhacday Anfield.
Labada gool ee ay Manchester United ka dhalisay garoonka Anfield Road waxaa kala dhaliyay Bryan Mbeumo iyo Harry Maguire, halka goolka kaliya ee Liverpool uu dhaliyay Cody Gakpo.
“Waxaan aaminsanahay in guushan ay tahay tii ugu weynayd intii aan joogay Manchester United.”
“Guushu maanta wax badan bay la micno tahay, laakiin laga bilaabo berri wax micne ah ma yeelan doonto. Waxaan helnay 3 dhibcood kaddib guul wanaagsan.”
“Waxaan maanta u dagaalanay kubbad kasta, ruuxa kooxda waa uu jiray, taasina waa tan ugu muhiimsan. Marka aad leedahay ruux dagaal, waxaad ku guuleysan kartaa ciyaar kasta.”
“Waxaan la kulanay maalin wanaagsan, hadda waxaan diiradda saarayaa kulanka Brighton. Waxaan ku raaxeysan doonaa guusha, balse aan isugu diyaar garowno kulanka Brighton ee soo socda.”
Be the first to comment