Ruben Amorim Oo Si Maldahan U Sheegay In Uu Rashford Isaga Tagayo Man United.

Tababaraha Manchester United Ruben Amorim ayaa ka dhawaajiyay suurtogalnimada uu ciyaartoygiisa Marcus Rashford ka tagi karo kooxda, wuxuuna tilmaamay in uu Rashford diirada saarayo oo kaliya qaab ciyaareedka iyo qaabka uu tababarka

Wararka saxafada ayaa tilmaamaya in Marcus Rashford laga yaabo in uu ka tago Red Devils inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga january ka dib hadaladii dhawaa iyo qaab ciyaareedkiisii ​​aan ku qancin tababaraha reer Portugal ilaa haatan.

Rashford ayaa ka hadlay rabitaankiisa ku aadan inuu tartan cusub galo, sidaa darteed dhamaan calaamaduhu waxay tilmaamayaan bixitaankiisa January.

Robin Amorim wuxuu ka hadlay Marcus Rashford, isagoo leh, “Aniga ahaan, tababare ahaan, waxaan diirada saaraa kaliya waxqabadka iyo habka uu u tababarto.”

Waxa uu intaa ku daray, “Sida inta kale, aniga iyo kooxdaba way ii fiican tahay inaan la macaamilno marka wakhtigu yimaado.”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga