Ruben Amorim Oo Sheegay Wixii Ku Aadkaa Xiddigaha Kooxdiisa Kulankii Ipswich.

Tababaraha Cusub ee kooxda Man United Ruben Amorim ayaa sheegay in ay xiddigaha kooxdiisa ku adkayd in ay la qabsadaan shaxdiisa kulankii Ipswich ee horyaalka premier League.

Man United ayaa booqatay Ipswich kulankii ugu horeeyay ee uu Amorim hogaamiyay kooxda Man United tan ilaa markii loo magacaabay tababaraha cusub ee kooxda.

Ruben Amorim ayaa kulanka ku soo galay shax ayna xiddigaha Man United horay ugu ciyaarin oo ahayd 3-4-3.

“Runtii aad bay ugu adkeyd iyaga [ciyaartoydu inay la qabsadaan], waxay ka fikirayeen waxa ay samaynayaan,” ayuu u sheegay BBC Sport.

“tababar badan kumaanu qaadan sababta oo ah kaliya 2 tababar ayaan ku qaadanay shaxda si fiican ayay xiddiguhu isugu dayeen”ayuu sii raaciyay.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga