Ruben Amorim ayaa sheegay in ay adagtahay in uu ka tago Sporting CP bartamihii xilli ciyaareedka laakiin waxa uu qirtay fursad uu ku noqon karo tababaraha kooxda Manchester United in ay ahayd mid aanu dhaafi karin.
39-sano jirkaan ayaa hogaamin doona kulankiisii ugu horeysay ee Red Devils galabnimada Axada ka dib markii uu bedelay Erik ten Hag.
Amorim ayaa kulanka Ipswich Town Kulan ka tirsan horyaalka premier League oo ka dhici doona garoonka Old Trafford.
Isagoo u warramayay Gary Neville oo ka tirsan Sky Sports, laacibkii hore ee Portugal ayaa daaha ka qaaday hab-fikirka ka dambeeya inuu ka tago dalkiisa hooyo markii ugu horreysay isla markaas yimaado Premier League.
Waxa uu yiri: “Runtii aad ayay iigu adkayd laakiin waxa aan ku qasbanaa in aan sameeyo waxa aan dareemay in ay tahay wakhtigii saxda ahaa iyo kooxdii saxda ahayd”ayuu sii raaciyay.
“Aad bay u adkeyd inaan ka tago Sporting sababtoo ah bartamaha xilli ciyaareedka, wax walba waad sheegi kartaa, waa Manchester United, waa wax walba, waa kooxda aan doonayo, laakiin waxaad wiilashaada uga tagaysaa bartamaha xilli ciyaareedka. runtii way adkeyd, laakiin waxa ay ahayd in aan sameeyo”ayuu hadalkiisa ku daray.
Be the first to comment