
Tababare Amorim ayaa gabi ahaanba Goolhaye Andre Onana ka saaray Kulanka Newcastle ee premier League.
Onana ayaa la lulmay dhaleecayn xoogan xilli ciyaareedkan isaga oo sameeyay khaladaad badan oo sababay in ay kooxdu dhibco lumiso.
Kulankii Lyon ayay ahayd markii uu sameeyay laba khalad oo isku badalay goolal ay dhalisay kooxda Lyon kulan ka tirsanaa Europa League.
Amorim ayaa go’aansaday in uu xiddiga reer Cameroon ka soo saaro kulanka Newcastle kadib khaladaadkii uu sameeyay.
“Mararka qaar, waa inaad ku riixdaa ciyaaryahanka inuu mar kale ciyaaro; mararka qaarkood, waa inaad u ogolaataa inuu ka dhexboxo ciyaaraha”ayuu yidhi.
“Berrito, André wuxuu ku jiri doonaa tababarka si uu isugu diyaariyo kulanka soo socda, sidaas darted waxa aan dareemay in ay tahay wakhti uu Andre ka boxo ciyaaraha”.
Be the first to comment