Ruben Amorim Oo Shaaciyay Hal Codsi Oo Uu U Diray Man United Laakiin Laga Diiday.

Ruben Amorim ayaa sheegay in Manchester United ay diiday codsigiisii ​​ahaa inuu sii joogo Sporting ilaa dhamaadka xili ciyaareedkan isla markaas ay ugu hanjabtay in ay u dhaqaaqi doonto tababarayaal kale hadii uuna ogolaan mashruucan.

United ayaa xaqiijisay magacaabista Amorim kaliya afar maalmood ka dib markii Erik ten Hag lagu ceyriyay Old Trafford.

Tababare Amorim ayaa si deg-deg ah u noqday bartilmaameedka 1-aad ee kooxda Man United si uu u badalo Erik Ten Hag.

Tababaraha reer Portugal, oo hore xiiso uga helay Manchester City, Liverpool iyo West Ham, ayaa qandaraaskiisa Sporting ku haysta 30 maalmood oo ogeysiis ah, laakiin United ayaa bixisay 1 milyan oo euro oo dheeri ah si uu u jabiyo shardigaas.

Waxa ay la macno tahay in Amorim uu ka bilaabi doono shaqada Manchester inta lagu guda jiro fasaxa caalamiga ah iyo 39-sano jirkaan kulanka furitaanka isagoo ah macalinka Premier League ayaa la kulmi doona Ipswich garoonka Portman Road 24ka November.

Amorim ayaa sheegay in ay Man United ka diiday dalab ama codsi ahaa in uu sii joogo kooxda Sporting Lisbon inta ka dhiman xilli ciyaareedkan.

“Waxa kaliya ee aan ka codsaday Manchester United ayaa ahayd in aan sii joogo kooxda Sporting ilaa dhamaadka xilli ciyaareedka, 3 maalmood ayaan ka codsanayay arintaas”ayuu yidhi.

“Waxay yiraahdeen suurtagal ma ahan, waxaa la ii sheegay in aan hada Aqbalo ama aan iska iloobo”ayuu sii raaciyay.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga