Tababaraha Cusub ee kooxda Man United Ruben Amorim ayaa shaaca ka qaaday fariintii uu Jose Mourinho u soo diray kadib markii loo magacaabay tababaraha cusub ee Man United.
Amorim ayaa markii ugu horeysay ka horyimid saxaafada markii ugu horeysay isagoo ah tababaraha United maanta, ka hor kulankiisii ugu horeysay ee uu hogaamiyo kulana Ipswich.
Tababaraha ayaa shaqada ka badalay Erik Ten Hag waxana uu shaaciyay fariin uu ka helay tababarihii hore ee Man United.
Amorim oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Waxa uu Mourinho ii soo diray Fariin”.
“Waxa uu igu yidhi’ku soo dhawoow kooxda, wxa uu ii sheegay in ay Man United tahay koox weyn, waanan ku raacsanahay arintaas”.
Be the first to comment