Tababaraha cusub ee Man United Ruben Amorim ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay in uu mar kale la shaqeeyo xiddiga khadka dhexe ee Manuel Ugarte.
Ugarte ayaa ku dhibaatooday Kooxda Man United tan ilaa markii uu ku soo biiray suuqii xagaaga.
Xiddiga khadka dhexe ayaa la midoobi doona tababarihii uu kula guulaystay horyaalka Portugal markii uu joogay kooxda Sporting.
PSG ayaa la wareegtay xiddiga kadib xilli ciyaareedkii uu Sporting kula guulaystay horyaalka ka hor inta uuna ku soo biirin Man United.
Amorim ayaa ku tilmaamay xiddigiisii hore ee Sporting in uu yahay wiil aad u karti badan waxa uuna sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay in uu dib ula midoobo 23-sano jirkaan.
“Dhammaan xiddiga reer Uruguay ee aan la soo shaqeeyay waxa ay ahaayeen kuwo cajiib ah waana sababta aan u jecelahay dhamaan xiddigaha reer Uruguay”ayuu Amirom yidhi.
“Manuel Ugarte waa wiil aad u karti badan, wuxuuna leeyahay tayo uu horumar ku samayn karo, wan ku faraxsanahay in aan kula shaqayn doono Man United”.
Be the first to comment