Ruben Amorim Oo Ka Jawaabay Wararka Sheegaya In Uu Heshiis Afka Ah La Gaadhay Liverpool.

Ruben Amorim ayaa meesha ka saaray warar dhawaan soo baxday oo soo jeedinaysay inuu ogolaaday inuu qabto shaqada Liverpool, isagoo ku adkeystay inuusan xitaa kala hadlin kooxda wax ku saabsan inuu qabto xilka tababarenimo.

39-sano jirkaan oo loo arko inuu yahay mid ka mid ah maareeyayaasha ugu da’da yar kubadda cagta Yurub, ayaa ugu cad-cad in uu noqdo badalka Tababare Jurgen Klopp.

Xitaa waxa soo baxay warar sheegaya in ay Liverpool heshiis la gaadhay tababaraha isla markaas uu tababaruhu ogolaaday heshiis 3 sano ah.

“Lama kulmin Liverpool wax wareysi ah, mana jiro wax heshiis ah, ma ahan run,” ayuu u sheegay suxufiyiinta ka hor kulanka Sporting ee Primeira Liga ee Gil Vicente.

“Waxaan ahay Tababaraha Sporting, waxaan doonayaa inaan ku guuleysto halkan, mana aanan la kulmin koox. Waxba laguma heshiin”.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga