Tababaraha kooxda Sporting Lisbon Ruben Amorim ayaa balan qaaday inuu xaqiijin doono go’aankiisa ku aadan mustaqbalkiisa iyo suurtogalnimada uu u qaban doono shaqada Man United.
Wararka ayaa xaqiijiyay in Amorim uu noqon doono tababaraha xiga ee Manchester United kadib markii la ceyriyay macalinka reer Holland Erik Ten Hag.
Manchester United ayaa ka ceyrisay Ten Hag waxana kooxda si ku meel gaadh ah loogu dhiibay tababare ku xigeenka Ruud van Nistelrooy.
Nistelrooy ayaa Manchester United ku hogaamiyay in ay 5-2 kaga badiyaan Leicester City una soo baxeen wareega 8 dhamaadka Carabao Cup.
Waxa jiray warar sheegaya in uu Amorim noqon doono tababaraha kooxda Man United kulanka Axada kulanka chelsea ee premier League.
Tababare Amorim ayaa shirkiisa jaraa’id wax laga waydiiyay, wuxuuna ku jawaabay: “Waan ogahay inay halkan u soo safreen si ay arintan ka hadlaan waana arin iska caadi ah laakiin arintaas waxa aan ka hadli doonaa kadib ciyaarta bari”.
Wuxuu hadalkiisa kusii daray: “Hadda waxaan doonayaa in kooxda ay xooga saarto ciyaarta jimcaha aniguna waxan idiin balan-qaadayaa in aan wax walba kala cadayn doono kadib dhamaadka ciyaarta”.
Be the first to comment