
Ruben Amorim ayaa digniin u diray shan ciyaartoy oo Manchester United ah waraysigiisii ugu horreeyay tan iyo markii uu bedelay Erik ten Hag.
Amorim ayaa la fariistay MUTV ka hor kulankiisii furitaanka ee kooxda iyadoo Red Devils ay u safreyso Ipswich Town axada soo socota ee November 24.
Waraysi dhinacyo badan taabanaysa ayuu Amorim kaga hadlay falsafadiisa kubbada cagta, wuxuuna daaha ka qaaday muhiimadiisa.
Hal mar, Amorim ayaa si toos ah loo waydiiyay shanta xiddig ee United – Kobbie Mainoo, Alejandro Garnacho, Amad Diallo, Rasmus Hojlund iyo Leny Yoro.
Amorim ayaa ku jawaabay in uu hoos u dhigay hadal heynta ah in United ay tahay mashruuc wakhti dheer ah waxana uu uga digay shanta da’da yar in da’dooda aan marmarsiiyo looga dhigi karin qaab ciyaareed liita.
“Ma doonayo inaan sheego inaan u baahanahay wakhti sababtoo ah waxaan nahay koox da’yar,” Amorim ayaa yidhi.
“Waa ay diyaar garoobeen. Waxay diyaar u yihiin inay la qabsadaan dalabaadka u ciyaarista Manchester United”.
Be the first to comment