Roye Keane Oo Magacaabay Xiddig Cusub Oo Ku Fashilmi Doona Chelsea.

Roy Keane ayaa aaminsan in Pedro Neto uu khal-khal ku soo kordhin doono chelsea isla markaas ku fashilmi doono kooxda.

Chelsea ayaa 54 milyan kula soo wareegtay ciyaaryahanka garabka ka ciyaara todobaadkii hore waxana uu saxiixay 7 sano.

Neto, oo shan sano ku qaatay Wolves, ayaa taageerayaasha Chelsea lagu soo bandhigay Stamford Bridge Axadii intii lagu jiray kulan saaxiibtinimo oo ay isku diyaarinayeen xilli ciyaareedka cusub oo ay la ciyaarayeen Inter Milan.

Chelsea ayaa ku dhibaatootay dhaawacyo xilli ciyaareedkii inkasta oo ay 200 milyan euro suuqa galisay.

Laakiin Keane ayaa sheegay in uu Neto u nugul yahay dhaawaca isla markaas uu dhib weyn ku soo kordhin doono Chelsea.

Keane ayaa yidhi”Ma walba wuu dhaawacan yahay, waa Luke Shaw oo Kale”ayuu yidhi.

“Waxa uu chelsea ku dari doonaa khal-khal dhaawaca ah waxana uu dhaawacmi doonaa bil kasta”ayuu sii raaciyay.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga