Roy Keane: Tartanka Prmeier League Waa Dhamaaday

Kabtankii hore ee Manchester United, Roy Keane, ayaa ku dhawaaqay in tartanka horyaalka Premier League “uu dhammaaday”.

Keane ayaa hadalkan sheegay isagoo ka hadlayay podcast-ka The Overlap ee Stick to Football.

Arsenal ayaa 2-0 ku garaacday Brentford habeenkii Arbacada, taas oo ku soo celisay hoggaanka Shan dhibcood ee ay ku hayaan horyaalka.

Mikel Merino iyo Bukayo Saka ayaa dhaliyay goolasha kooxda Mikel Arteta.

Arsenal waxay sidoo kale sagaal dhibcood ka hor mareen Chelsea oo la kulantay guuldarro lama filaan ah oo 3-1 ah oo ka timid Leeds United oo ku jirta kooxaha u dagaallamaya badbaadada.

Markii uu la hadlayay halyeeyga Arsenal, Ian Wright, saaxiibkiisii hore ee United Gary Neville wuxuu yiri:“Idinka ayaa qasban inaad ku guuleysataan. Xilli-ciyaareedkan waa inaad horyaalka qaadaan.”

Keane ayaa markaas ku daray:“Horyaalku wuu dhammaaday. Wuu dhammaaday. Horyaalku wuu dhammaaday.”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga