Halyeeyga Manchester United, Roy Keane, ayaa dhaliilay milkiilayaasha Manchester City, kaddib markii kooxda lagu helay in ka badan 100 xad gudub oo xeerarka maaliyadeed ee Premier League ah, isaga oo sheegay inuu u damqanayo ciyaartoyda iyo taageerayaasha kooxda.
Keane ayaa caddeeyey in dhaleeceyntiisu aysan ku socon ciyaartoyda, balse ay ku wajahan tahay maamulka sare ee kooxda, isaga oo sheegay in ciyaartoydu ay garoonka ka shaqeeyeen oo ay dadaalkooda bixiyeen, “Arrintani ciyaartoyda kama dhan aha, mana aha taageerayaasha. Waxay ku saabsan tahay milkiilayaasha kooxda,” ayuu yiri Keane.
Si kastaba ha ahaatee, wuxuu sheegay inuu aad uga xumaan lahaa haddii koox uu u ciyaaray ay ku lug yeelato wax isdaba marin dhaqaale, isaga oo ku adkaystay in ciyaartoydu ay xaq u leeyihiin inay ku faanaan koobabka ay ku guuleystaan iyaga oo si daacad ah ku helay.
Keane ayaa intaas ku daray in haddii uu ogaan lahaa in koobab lagu hantay wax isdaba marin, uusan dareemi lahayn inuu si dhab ah u kasbaday horyaalka, Dhanka kale, Micah Richards, oo hore ugu ciyaari jiray Manchester City, ayaa sheegay inuu aad uga niyad jabay go’aanka, gaar ahaan sida ay arrintu u saamaysay taageerayaasha iyo sumcadda ciyaartoydii kooxda u soo ciyaartay.
Richards ayaa sheegay inuu kooxda u bixiyey dadaalkiisa oo dhan, isla markaana uusan ciyaaryahan ahaan wax kale qaban karin marka laga reebo inuu garoonka ka shaqeeyo.
Keane ayaa u muujiyey Richards iyo ciyaartoydii kale ee City u soo ciyaartay inuu fahamsan yahay xaaladdooda, balse wuxuu ku adkaystay in daacadnimada iyo hufnaanta ay muhiim u yihiin kubadda cagta.
Roy Keane wuxuu kala saaray ciyaartoyda iyo maamulka Manchester City, isaga oo ciyaartoyda u muujiyey naxariis, balse sheegay in haddii koobab lagu helay wax isdaba marin, ay taasi dhaawacayso qiimaha guulaha iyo kalsoonida kubadda cagta. Wuxuu sidoo kale xusay in Manchester City ay xaq u leedahay inay racfaan ka qaadato go’aanka.

