Halyeeygii Manchester United, Wayne Rooney, ayaa magacaabay saxiixii ugu fiican ee xilli ciyaareedkan Premier League.
Ciyaartoy badan oo ay ka mid yihiin Florian Wirtz, Alexander Isak, iyo Granit Xhaka ayaa ku biiray kooxo kala duwan oo Premier League ah xagaagii lasoo dhaafay.
Laakiin sida uu sheegay Rooney, wareegii xagaaga ee Xhaka uu ugu biiray kooxda Sunderland ayaa ahaa saxiixii ugu fiican ee xilli ciyaareedkan horyaalka Ingiriiska.
“Granit Xhaka cajiib ayuu ahaa”ayuu yiri Rooney isagoo ka hadlayay barnaamijkiisa BBC podcast.
“Waligiis ma ahayn ciyaaryahan aad u dhaqso badan, balse wuxuu leeyahay waayo-aragnimo u saamaxda inuu si fiican u maareeyo ciyaarta”
“Wuxuu muujiyay sida uu u yahay ciyaaryahan heer sare ah. Waxaa laga yaabaa inuu noqday saxiixii ugu fiican ee xilli ciyaareedkan — wuu ahaa mid aad u heer sarreeya.”
Be the first to comment