Rooney Oo Ku Eedeeyay Salah Guuldarradii Ay Liverpool Kala Kulantay Chelsea.

Weeraryahankii hore ee Manchester United, Wayne Rooney, ayaa si adag u dhaliilay Mohamed Salah kadib bandhiggiisii liitay ee kulankii Liverpool Guuldarada kala kulantay Chelsea.

Natiijadaas ayaa sababtay in Arsenal ay ka kor marto horyaalka Premier League, iyadoo Gunners si buuxda u qabatay hogaanka premier league.

Rooney ayaa hadda si gaar ah u dhaliilay Salah, isagoo su’aal geliyay kaalintiisa difaac ee kooxda Arne Slot.

Wuxuu yiri:

“Ciyaartoyda waaweyn waxay leeyihiin kibir, waxaana shaki ku jirin in Mo Salah uu ka mid ahaa ciyaartoyda ugu fiicnaaday horyaalka muddo dheer”

“Marka wax walba si fiican u socdaan — goolal ayaad dhalinaysaa, ciyaaraha ayaad guulaysanaysaa — waa wax weyn, kooxduna way u dulqaadanaysaa taas.”

Laakiin toddobaadkii u dambeeyay, waxaan su’aal gelin lahaa dadaalkiisa ciyaareed”

“Waan ogahay inuusan mar walba ku soo noqonin difaaca ama u gurmanin sida looga baahan yahay, laakiin kulankii Chelsea, daaficiisii ayaa la burburinayay, isaguna wuxuu u taagnaa isagoo daawanaya.”

 

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga