
Waxa lagu jiraa dhamaadka xilli ciyaareedka iyada oo kooxaha u dagaalamayaan sidii ay meel fiican ugu dhamaysan lahaayeen.
Sidoo kale Kooxaha ayaa bilaabaya sidii ay u ilaysan lahaayeen xiddigo ay ku xoojiyaan kooxdooda xilli ciyaareedka ambe.
Real Madrid ayaa si weyn isha ugu haysa xiddiga Manchester United ee Bruno Fernandes waxayna diyaar u yihiin inay 90 milyan ku dalbadaan ciyaartoy loo arko bedelka ugu habboon ee Luka Modric (Daily Star).
Atletico Madrid ayaa isku diyaarinaysa heshiis is dhaafsi ah oo ka kooban Pablo Barrios oo lagu daray 30 milyan oo euro oo u dhiganta (£25m) si ay ula soo wareegto xiddiga Chelsea Enzo Fernandez (Fichajes).
Dhacdo naxdin leh, Manchester City ayaa isku dayaysa inay ka afduubato Real Madrid oo dooneysa inay soo iibsato daafaca dhexe ee Arsenal William Saliba xagaagan (Defensa Central).
Kooxda Barcelona ayaa haatanba ogolaatay in ay heshiis cusub oo hal sano ah ka saxiixatay Goolhaye Wojciech Szczesny (Fabrizio Romano).
Chelsea ayaa diyaar u ah inay lacag dhan €70 milyan ku dalbato daafaca midig ee Barcelona Jules Kounde (Fichajes).
Hansi Flick ayaa diidey isku daygii Barcelona ay ku dooneysay weeraryahanka Liverpool Luis Diaz, taasoo ka careysiisay madaxweynaha kooxda Catalan iyo agaasimaha ciyaaraha (El Nacional).
Arsenal ayaa kula biirtay Chelsea tartanka loogu jiro saxiixa khadka dhexe ee kooxda Barcelona Marc Casado. Labada naadi ayaa isku diyaarinaya dalabyo gaaraya €35-40m (El Nacional).
Cristiano Ronaldo ayaa la filayaa inuu ogolaado qandaraaskiisa Al Nassr inuu dhaco xagaaga Kooxaha Inter Iyo Al-Hilal ayaa doonaya saxiixa xiddiga laakiin xiddiga reer Portugal ayaa doonaya in uu ku laabto Real Madrid (El Desmarque).
Manchester United ayaa ka fiirsaneysa inay dalab ka gudbiso daafaca dhexe ee kooxda Barcelona Ronald Araujo, kaasoo la filayo inuu diyaar noqdo, waxaana lagu qiimeeyaa 60 milyan oo euro (Fichajes).
Atletico Madrid ayaa ku soo biirtay tartanka loogu jiro saxiixa xiddigaha Viktor Gyokeres iyo Benjamin Sesko si ay uga garab ciyaaraan Julian Alvarez (El Nacional).
Trent Alexander-Arnold ayaa “ka murugooday” jawaab celintii taageere ee uu helay ka dib markii uu soo baxay warar sheegaya in uu heshiis la gaadhay Real Madrid (Defensa Central).
Be the first to comment