Ronaldinho Oo Magacaabay Xiddigii Ugu Fiicanaa Kulamadii Champions League

Weeraryahankii hore ee Barcelona Ronaldinho ayaa soo xushay xiddigiisii ugu fiicnaa wareega 8da ee Champions League xilli ciyaareedkan.

Xidigii hore ee xulka qaranka Brazil ayaa si weyn u amaanay xiddiga kooxda PSG ee Ousmane Dembélé, isaga oo muujiyay dhowr tayo oo uu leeyahay xiddiga reer France.

Ronaldinho, oo qudhiisu ahaa xiddigii hore ee PSG, ayaa sheegay in uu Demebele in uu ka mid yahay xiddigaha ugu fiican kooxda.

Isagoo ka hadlayay wareysi uu siiyay L’Équipe, Ronaldinho ayaa yiri: “Ma jecli inaan wax badan is barbar dhigo, waxaan inta badan fiiriyaa kooxahaygii hore iyo kuwa weli ku jira Champions League”.

“Waxa jira Ousmane Dembele oo jooga PSG, wax badan ayaan ka helay isaga, waxa uu leeyahay qaab Brazilian ah”.

 

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga