Ronald Koeman ayaa ku adkeysanaya in Matthijs de Ligt uu ku soo bilaaban doono kulanka Netherlands’ Nations League ee Germany ka dib qaladkii uu sameeyay kulankii Bosnia iyo Herzegovina.
Netherlands ayaa 5-2 kaga badisay Bosnia iyo Herzegovina fiidnimadii Sabtida iyadoo weeraryahanka Manchester United Joshua Zirkzee uu dhaliyay goolkiisii ugu horreeyay ee heer caalami ah.
Dhanka kale De Ligt ayaa qalad sameeyay iyada oo khaladkiisu sabab u noqday goolkii 2-aad ee uu dhaliyay xulka Bosnia.
Daafaca dhexe, oo Manchester United ugu soo biiray 38.5 milyan oo euro xagaagii isaga oo kaga soo biiray Bayern Munich.
Taageerayaasha xulka ayaa ku baaqay in xiddiga daafaca ka ciyaara kaydka la dhigo Laakiin Koeman ayaa ku adkaysanaya in uu xiddigu ku bilaaban doono kulanka.
“Si kooban ayaan uga hadalnay. Taasi waxay diirada saaratay goolka”ayuu Koeman yidhi.
“Ma joogo meel wanaagsan. Si fiican uma uu soo bixin tallaabooyinkiisa”
“Waxa uu sameeyay khalad shaqsi ah laakiin waa in aad wax ka barasho laakiin ma ahan in aan si weyn uga hadalno”.
Be the first to comment