Rodri Oo Jabiyay Rikoodh Premier league Ah Kadib Guushii Etihad

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Manchester City Rodri ayaa jabiyay rikoor u yaalay 16 sano ka dib markii kooxdiisa ay 3-1 kaga badisay Manchester United.

Marcus Rashford ayaa hogaanka u dhiibay United qeybtii hore ee ciyaarta isagoo kubad la yaab leh ka dhaliyay meel ka baxsan dilinta ganaaxa.

Si kastaba ha ahaatee, Phil Foden ayaa dhaliyay labo gool qeybtii dambe ka hor inta uuna Haaland dhamaystirin 3-da gool ee kooxdiisa.

Natiijada hadda waxay la macno tahay in ciyaaryahanka khadka dhexe ee City Rodri aan laga badin kulan  tan iyo guuldaradii City 1-0 ka soo gaartay Tottenham bishii February 2023.

Tan iyo markaas waxa uu matalay City 59 jeer isaga oo aan dhadhamin guuldarada – waana rikoodhka ugu dheer ee uu xiddig ku leeyahay premier League.

Rodri ayaa ka sara maray daaficii hore ee Chelsea Ricardo Carvalho kaas oo 58 kulan aan laga badin, intii u dhaxaysay November 2006 iyo February 2008.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga