Rodri Oo Heegan Galiyay Real Madrid, Fariin Ayuu U Diray.

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Man City Rodri ayaa shaaca ka qaaday inuu “fiirin doono” dalabka macquulka ah ee uga imaanaya Real Madrid.

Xiddiga dhawaan ku guulaystay Ballon d’Or-ka ayaa dhaawac jilibka ah ku maqan laakiin waxa uu bartilmaameed u yahay kooxda Real Madrid.

Los Blancos ayaa xiiso u qabta saxiixa xiddiga khadka dhexe si ay ugu xoojiso khadka dhexe mustaqbalka dhaw.

“Sida iska cad, marka ay Real Madrid ku soo wacdo, kooxda ugu fiican taariikhda iyo kan ugu guulaha badan, waxa ay la macno tahay, waa sharaf,” ayuu xiddiga yidhi.

“Mar walba waa inaad qiimayso dalabka hadii ay miiska kuu saaraan”.

“Laba sano ayaa iiga harsan qandaraaskeyga,” ciyaaryahanka khadka dhexe ayaa sharaxay

“waqtigii waa soo dhawaaday inaan dib u bilaabo wadahadalka, heshiiska Guardiola waa dhiirigelin muhiim ah.”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga