Robert Sanchez Oo Fariin U Diray Taageerayaasha Chelsea Kadib Khaladkii Kulankii Man United.

Robert Sanchez ayaa raaligelin u diray taageerayaasha Chelsea kadib kaarka cas ee uu helay ciyaarti ay Chelsea guuldaro 2/1 ah kala kulantay Man United Sabtidii.

Kooxda Enzo Maresca ayaa ku qasbanaatay inay inta badan ciyaarta ku ciyaarto 10 ciyaartoy kadib markii Sanchez laga saaray garoonka daqiiqadii shanaad kadib markii uu khalad ku galay Bryan Mbeumo oo gool ku sii jeeday.

“Aniga ayaa khaldamay maanta, raali noqda”ayuu yidhi.

“Kooxdu waxay dadaal weyn sameysay qeybtii labaad laakiin ma aysan gaadhin guusha”

Sanchez ayaa hal kulan oo ganaax ah qaadan doona sababtoo ah kaarka cas, taasoo micnaheedu yahay inuusan ciyaari doonin Chelsea ee Carabao Cup ee ay ku ciyaarayaan Lincoln City habeenka Salaasada.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga