Robert Lewandowski Oo Jabiyay Rikoodh Ay Messi Iyo Ronaldo Horay U Dhigeen Champions League.

Weeraryahanka Kooxda Barcelona Robert Lewandowski  ayaa jebiyay rikoor ay horay u hayeen Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo ee UEFA Champions League.

Lewandowski ayaa laba gool (brace) dhaliyay markii Barcelona ay 7-2 ku garaacday Newcastle United kulankii lugta labaad ee wareegga 16-ka ee lagu ciyaaray Camp Nou.

Sida ay sheegtay ESPN FC, Newcastle waxay noqotay kooxda 41-aad ee kala duwan ee Lewandowski ka dhaliyay Champions League, taasoo ka dhigaysa inuu jebiyo rikoor ay wada hayeen Messi (40 kooxood).

Lewandowski ayaa sidoo kale ka horreeya Cristiano Ronaldo oo ku jira kaalinta saddexaad, isagoo Ronaldo ka dhaliyay 38 kooxood oo kala duwan intii uu ka ciyaaray Yurub.

Intaa waxaa dheer, isagoo jira 37 sano iyo 209 maalmood, Lewandowski wuxuu noqday ciyaaryahankii ugu da’da weynaa ee gool ka dhaliya wareegyada knockout-ka ee Champions League.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga