Wargeyska Mundo Deportivo” ayaa xaqiijiyay in Robert Lewandowski, weeraryahanka Barcelona, uusan ka fikirayn inuu ka tago kooxda suuqa jiilaalka ee soo socda, inkastoo ay xiiseynayso Fenerbahçe.
Wargeysku wuxuu sheegay in xiddiga reer Poland ee 37 jirka ah, oo qandaraaskiisu soconayo ilaa Juun 2026, uusan qorshihiisa hadda ku darin inuu ciyaaraha ka fariisto xagaaga dambe.
Warbixintu waxay xustay in Sky Sport Germany ay daaha ka qaaday go’aanka Lewandowski ee uu ku doonayo inuu sii joogo Barcelona, gaar ahaan maadaama uu weli soo bandhigayo qaab-ciyaareed xooggan, isagoo dhaliyay 108 gool 159 kulan, taasoo ka dhigaysa heer ka sarreeya kii uu ku lahaa Borussia Dortmund.
Wargeysku wuxuu soo xigtay hadallo uu hore u jeediyay Lewandowski oo sheegay inuu go’aankiisa kama dambeysta ah qaadan doono mustaqbalka marka ay u caddaadaan dhammaan ikhtiyaarrada.
Warbixintu waxay intaas ku dartay in Lewandowski weli uu dalabyo ka helayo kooxo ka tirsan Sacuudi Carabiya, sidoo kalena AC Milan ay si dhow u dabagaleyso iyadoo u aragta xiddig ay u qorshayn karto xilli-ciyaareedka soo socda — taas oo hore ugu dhacday markii ay la saxiixdeen Luka Modric xitaa isagoo 40 sano jira.
Sida laga soo xigtay warbixinta, Barcelona uma muuqato inay doonayso inay kordhiso qandaraaska weeraryahankan khibradda leh, maadaama bixitaankiisu badbaadin karo ilaa €40 milyan oo ku saabsan xeerka dhaqaale wanaaga
Si kastaba ha ahaatee, Lewandowski wuxuu rumeysan yahay inuu weli wax badan ku dari karo kooxda uu tababaro Hansi Flick, gaar ahaan kadib markii uu dhaliyay 42 gool xilli-ciyaareedkii hore iyo 7 gool ilaa haatan xilli-ciyaareedkan, isagoo sidoo kale raba inuu sii wado tartanka Champions League.
Be the first to comment