Robert Lewandowski Oo Barcelona Xasuusiyay Samuel Eto’o.

Xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Barcelona ee Robert Lewandowski ayaa wacdaro dhigay kulankii ay Barcelona kaga badisay Valencia.

Kooxda Barcelona ayaa 4/2 ku xasuuqday kooxda kulan ka tirsanaa horyaalka La Liga.

Xiddiga Robert Lewandowski ayaa dhaliyay saddexley isaga oo kooxdiisa ku hogaamiyay guul muhiim ah.

Robert Lewandowski ayaa noqday weeraryahankii ugu horeeyay ee Barcelona dhaliyay laba gool oo madax ah horyaalka La Liga.

Xiddigii ugu dambeeyay ee sidaas sameeyay ayaa ahaa Samuel Eto’o kaas oo sidaas ku sameeyay Mallorca bishii September 2005.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga