Rio Ferdinand Oo Tilmaamay Kooxda Kaliya Ee Ay Man United Ka Badin Karto Inta Ka Dhiman Xilli Ciyaareedka.

Rio Ferdinand ayaa soo xushay kulanka kaliya ee uu ku kalsoon yahay in Manchester United ay badin doonto iyadoo laga cabsi qabo in kooxdu ka hadho premier League.

Guuldaradii 1-0 ahayd ee ka soo gaartay Tottenham axadii ayaa keentay in United ay u dhacdo kaalinta 15-aad ee kala sareynta horyaalka Ingariiska, iyadoo 12 dhibcood ka sareysa aagga looga hadho premier League.

United ayaa la filayay in ay horumar samayso kadib markii Ruben Amorim loo magacaabay tababaraha cusub ee kooxda laakiin way ka sii xumaatay sidii hore.

Ferdinand, oo lix koob oo Premier League ah iyo Champions League ku qaaday United, ayaa qirtay inuu bilaabay inuu ka cabsi qabo in kooxdiisii ​​hore ay ka hadhi karto premier League.

“Manchester United gabi ahaanba waa ay dhibtooneysaa waqti xaadirkaan,” daafacii hore ee England ayaa yiri.

“Kaliya Wolves iyo West Ham ayaa ka xidha boosaska looga hadho premier League”.

Qof ayaa yiri waxaan u baahanahay 11 dhibcood si aan u sii joogno, waxaana bilaabayaa inaan sidaas u fekero. Waxa aan halkan ku helay liiska kulamada aan ciyaari doono si dhab ah ayaanan uga fikirayaa”.

“Waxa aan la ciyaari doonaa Everton, Ipswich, Arsenal, Nottingham Fores, Man City, Newcastle, Wolves Brentford, Chelsea, Aston Villa Iyo Leicester City”.

“Kulanka kaliya ee aan aaminsanahay aan badin karno ayaa ah kulanka Leicester City”.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga