Daaficii hore ee Manchester United, Rio Ferdinand, ayaa aaminsan in Arsenal ay ku guuleysan doonto horyaalka Premier League si kasta oo ay noqotaba.
Ferdinand ayaa saadaashan sameeyay isagoo ka hadlayay qeybtii ugu dambeysay ee podcast-kiisa.
Ka hor kulamada Arbacada, kooxda uu hoggaamiyo Mikel Arteta waxay shan dhibcood ka sarreeyaan Manchester City.
Arsenal waxay marti u noqon doontaa Brighton & Hove Albion, halka City ay garoonkooda ku soo dhoweynayaan Nottingham Forest iyadoo tartanka horyaalku sii kululaanayo.
Ferdinand ayaa yiri:
“Waxaan u maleynayaa in Arsenal ay ku guuleysan doonto horyaalkan si kasta oo ay noqotaba.
“Waxay ku guuleysan doonaan si kasta oo loo baahdo.
“Waxaan aaminsanahay in xilli-ciyaareedka xiga, kalsoonida iyo koobka ay helaan awgood, ay noqdaan koox gebi ahaanba ka duwan—koox aad uga adag in laga hor yimaado.”
Be the first to comment