Rio Ferdinand Oo Magacaabay LABADA Ciyaartoy Ee Buuxinaya Boosaska Ay Ka Dhaawacmeen Harry Maguire Iyo Luke Shaw Kulanka Liverpool Ee Axadda

Halyeya Manchester United ee Rio Ferdinand ayaa waxa uu magacaabay labada ciyaartoy ee difaaca dhexe uu ka ciyaarsiin doono Erik ten Hag marka ay Axadda martida u noqdaan Liverpool, kaddib dhaawacyo soo gaadhay Harry Maguire iyo Luke Shaw oo waxyeello kasoo gaadhay ciyaartii Champions League ee Bayern Munich ee xalay ay tartamada Yurub ku macasalaameeyeen.

Manchester United ayaa waxa isku raacay in ay tartanka ka hadheen iyo in ay waayeen laba ciyaartoy oo muhiim ah oo ah Maguire oo la filayo inuu muddo ka maqnaado garoomada iyo Luke Shaw oo dhowaan kasoo laabtay dhaawac, balse qaybtii hore ee kulankii Munich dareemay xanuun, sidaasna lagu beddelay qaybta labaad.

Jonny Evnas ayaa beddelay Harry Maguire, laakiin Rio Ferdinand uma arko inuu yahay ciyaartoy ku habboon in uu ka garab ciyaaro Raphael Varane marka ay iska hor yimaaddaan Liverpool, waxaana uu usoo jeediyey Erik ten Hag in uu difaaca dhexe ku lammaanaysiiyo Raphael Varane iyo Aaron Wan-Bissaka.

Maadaama ay United dhaawacyo kaga maqan yihiin Lisandro Martinez iyo Victor Lindelof oo ay hadda ka daba-tageen Maguire iyo Shaw, isla markaana aanay wali soo laabannin Casemiro, Christain Eriksen iyo Mason Mount, waxa Red Devils ay kasii walaacsan tahay safarka ay ku tegayaan Anfield oo markii ugu dambaysay ee ay booqdeen lagu soo xasuuqay 7-0.

Si kastaba, Rio Ferdinand ayaa isku dayaya inuu ka caawiyo Ten Hag sidii uu uga caawin lahaa in aanay ku dhicin bahdilaad kale, waxaana uu usoo jeediyey in difaaca dhexe uu ka wada ciyaarsiiyo Raphael Varane iyo Aaron-Wan Bissaka, sidoo kalena uu khadka dhexe kusoo bilaabo da’yarka Kobbie Mainoo.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga