Arbacada ayaa la soo gabagabaynayaa marxaladda horyaalka ee Champions League, iyadoo dhammaan 18-ka kulan la ciyaarayo hal waqti caawa. Waxaa lagu kala caddeyn doonaa siddeedda kooxood ee ugu horreeya ee si toos ah ugu gudbaya wareegyada bug-baxa, halka kooxaha ka jira kaalmaha 9-aad ilaa 24-aad ay ciyaari doonaan wareegga isreeb-reebka (play-off), halka kooxaha 25-aad ilaa 36-aad ay tartanka ka harayaan. Wareeggan ugu dambeeya wuxuu xambaarsan yahay miisaan weyn, gaar ahaan lixda kooxood ee Ingiriiska ah ee doonaya inay marxaladdan ku dhammeeyaan natiijooyin wanaagsan.
Arsenal ayaa taariikhda eryanaysa marka ay la ciyaarayso Kairat Almaty, maadaama ay noqon karto kooxda labaad ee Ingiriis ah ee gaarta siddeed guul oo xiriir ah tartankan, isla markaana noqon karta tii ugu horreysay abid ee sidaas ku sameysa iyadoo kulan kasta ku badisa farqi laba gool ama ka badan. Dhanka kale, indhaha ayaa ku sii jeeda kulanka Napoli iyo Chelsea, halkaas oo ciyaaryahanka reer Scotland Scott McTominay uu geli karo taariikhda isagoo noqda ciyaaryahankii ugu horreeyay ee dalkiisa ah ee dhaliya shan gool hal xilli oo Champions League ah tan iyo 1991.
Paris gudaheeda, Anthony Gordon ayaa rajaynaya inuu hoggaamiyo Newcastle marka ay wajahaan Paris Saint-Germain, si uu u gaaro rikoor dhif ah; wuxuu noqon karaa ciyaaryahankii ugu horreeyay ee Ingiriis ah ee gaaraya sagaal ka-qayb-qaadasho gool (goolal iyo caawin) hal xilli oo Champions League ah isagoo u ciyaaraya koox Ingiriis ah tan iyo wixii uu sameeyay Raheem Sterling xilli-ciyaareedkii 2019-2020.
Manchester City, dhankeeda, waxay ku tiirsan tahay gooldhaliyaheeda Erling Haaland kulanka ay la ciyaarayaan Galatasaray, maadaama uu u baahan yahay laba gool si uu ula bar-bareeyo rikoodhka Sergio Agüero ee tirada goolasha Yurub ee lagu dhaliyay Etihad Stadium.
Totteham ayaa iyaduna doonaysa inay gaarto saddex guul oo xiriir ah Champions League markii ugu horreysay tan iyo 2019, marka ay marti u noqoto Eintracht Frankfurt.
Hal habeen oo keliya, balse waa habeen laga yaabo inuu magacyo ku qoro taariikhda isla markaana bogag cusub ka furo Champions League.
Be the first to comment