Phil Foden ayaa la filayaa inuu ku bilowdo safka hore ee Manchester City kulanka Manchester derby-ga Sabtida, markay marti u noqdaan kooxda ay xafiiltamaan ee Manchester United kulan ka tirsan Premier League.
Xiddiga hal-abuurka ah ee ku dhashay Stockport ayaa ilaa hadda shabaqa soo taabtay toddobo jeer horyaalka xilli-ciyaareedkan, isagoo ka caawiyay kooxda Citizens oo haatan ku jirta kaalinta labaad ee kala sarreynta, lix dhibcoodna ka dambeysa hoggaamiyeyaasha Arsenal.
Si kastaba ha ahaatee, Foden wuxuu doonayaa inuu soo afjaro abaartii goolal la’aanta ahayd ee shanta kulan ee Premier League, ka hor kulanka toddobaadkan ee Old Trafford.
Xiddiga reer England Foden ayaa rikoodh fiican ku leh kooxda Man United premier League marka uu ka hor tago.
Foden ayaa Man United ka hor tagay 16 kulan tan ilaa markii uu kooxda 1-aad u soo dalacay Man City Xiddiga ayaa kooxdiisa ka caawiyay 10 kulan in ay badiso halka laga badiyay 5 kulan isla markaas bar-baro galeen hal kulan.
Xiddiga Foden ayaa Man United ka dhaliyay 7 gool halka uu sidoo kale caawiye ka noqday mid kale 16-ka kulan ee uu la ciyaaray City.
Be the first to comment