Rikoodhka Kooxaha Arsenal Iyo PSV Kulamadii Hore

Waa cadaalad in la yiraahdo Arsenal ayaa si fiican u baratay PSV Eindhoven sanadihii ugu dambeeyay.

Gunners ayaa isku diyaarinaysa inay wajahdo kooxda heysata horyaalka Holland kulan ka tirsan wareega 16-ka Champions League.

Guulihii afartii kulan ee ugu dambeeyay ayaa ka dhigtay inay ku dhameystaan kaalinta seddexaad ee kala sareynta, taasoo u xaqiijisay inay ka fogaadeen laba kulan oo dheeri ah bishii February.

Kooxda Mikel Arteta ayaa filaysay in ay aadaan Italy Lana ciyaaraan Juventus laakiin PSV ayaa qarxisay lama filaan kana badisay kooxda reer Italy.

Ku aadista SV, Arsenal waxa ay isku garab yihiin PSG, Liverpool, Club Brugge, Aston Villa, iyo labada kooxood ee Madrid.

Si kasta ha ahaatee Gunners ayaa ku dhibaatoonaysa dhinaca weerarka iyada oo ay ka maqanyihiin gooldhaliyayaashooda, mana jiraan wax si fudud ugu socda kooxda waqooyiga London hadda.

Kooxda Arsenal ayaa horay 5 kulan ka ciyaartay kooxda PSV iyada oo Gunners badisay 2 kulan Halka ay PSV badisay 2 kulan mid kalena ay ku kala baxeen bar-baro.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga