Rikoodhada Uu Florian Wirtz Jabiyay Kadib Ku Biiristiisa Liverpool.

kooxda Liverpool ayaa xaqiijisay in ay dhamaystirtay saxiixa xiddiga Florian Wirtz oo ay kala soo wareegtay kooxda Leverkusen.

Wirtz ayaa maanta ku baasay tijaabada caafimaadka kooxda Liverpool isaga oo haatan si Rasmi ah qalinka ugu duugay heshiiska.

kadib markii uu dhamaystiray heshiiska , Wirtz ayaa noqday ciyaaryahanka ugu qaalisan Jarmalka, ciyaaryahanka ugu qaalisan taariikhda Premier League, iyo ciyaaryahanka seddexaad ee ugu qaalisan adduunka.

Sida laga soo xigtay xogta xogta ee Transfermarkt, qiimaha kala iibsiga kubadsameeyaha 22 jirka ah ayaa ka badan €100 ay Chelsea siisay Benfica ciyaaryahanka khadka dhexe ee Argentina Enzo Fernández January 2023.

Heshiiska ayaa sidoo kale ka weyn kii ay Chelsea ku iibisay Moisés Caicedo ee Brighton bishii August 2023.

Halkee ayuu Wirtz ka dhex galay ciyaartoyda Jarmalka? Bayer Leverkusen ayaa sidoo kale heysata rikoorka ciyaaryahanka ugu qaalisan taariikhda Jarmalka. Die Werkself waxa ay Kai Havertz ku iibisay 80 milyan oo euro xagaagii 2020.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga