Rice Oo Sheegay Sababtii Uu Isaga Diiday Man City Ugana Doortay Arsenal.

Declan Rice ayaa sheegay in u dhaqaaqista Arsenal ay u muuqatay mid ka xiiso badan Manchester City xilli ay labada kooxood ku dagaalamyaan sidii ay ugu guulaysan lahaayeen horyaalka Premier League.

Arsenal iyo Man City ayaa labaduba si aad ah u doonayay in ay Rice kala soo saxiixdaan West Ham xagaagii hore laakiin Gunners ayaa ku guulaystay saxiixa xiddiga iyaga oo kula wareegay lacag dhan 105 milyan oo euro.

Pep Guardiola ayaa doonayay in uu Rice ku soo daro kooxdiisa laakiin xiddiga ayaa ka doorbiday in uu ku biiro kooxda Arsenal.

Markii loo tilmaamay in uu si fiican uga garab ciyaari lahaa Rodri halkii uu kula dagaalami lahaa Man City horyaalka, Rice ayaa u sheegtay The Athletic: ‘Waan ogahay”.

“Laakin mashruucaan wuxuu u muuqday mid aad u xiiso badan, waana sababta aan u doortay inaan imaado Arsenal, sababtoo ah waxaan aaminsanahay inaan halkaan ku socono waxyaabo waa weyn.”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga