Xiddiga Arsenal Declan Rice ayaa ka hadlay warbaahinta kaddib guushii weynayd ee 4–0 ay ka gaareen Leeds United kulankii wareegga 24-aad ee Horyaalka Ingiriiska (Premier League).
Ciyaaryahanka reer England ayaa yiri:
“Kadib bandhiggii cajiibka ahaa ee saddexdii kulan ee u dambeeyay, waxaan ogayn muhiimadda ay leedahay ciyaarta maanta. Inaan ku guuleysano 4–0 waa guul aad u weyn oo noo ah.”
Isagoo ka hadlayay tartanka hanashada horyaalka Premier League, wuxuu yiri:
“Waxaan xakameyn karnaa wixii gacanteenna ku jira, waana inaan sii wadnaa guulaha oo aan joogteyno cadaadiska. Wixii qaddar ahna way dhici doonaan.”
Wuxuu intaas ku daray:
“Ilaa hadda, waxaan hoggaamineynaa Premier League, sidoo kale waxaan ku guuleysanay dhammaan siddeedii kulan ee aan ciyaarnay Champions League. Ma jirto wax aan ka cabanno xaaladdeenna hadda. Waxaan ku jirnaa xaalad aad u adag, anaga oo ciyaartoy ahna waan ognahay inaan leenahay koox weyn.”
Ugu dambeyn wuxuu yiri:
“Kulan walba wuxuu la mid yahay final koob ah. Waxaa naga horreeya afar bilood oo dheer, balse waan diyaar nahay. Aan sii wadno horumarka, oo aan dadaalkeenna oo dhan bixino.”
Be the first to comment