“Real Madrid Uma Baahnda Mbappe”

Xiddiga kooxda Real Madrid ee Toni Kroos ayaan wax fikrad ah ka bixinayn sheekadii suuqa kala iibsiga ee Kylian Mbappe isaga oo diiday in uu wax ka sheego xiddiga reer France iyo wararka la xidhiidhinaya Real Madrid.

Mbappe ayaa mar kale si aad ah loola xiriirinayaa inuu u dhaqaaqayo Santiago Bernabeu xagaagan, isagoo ku wargeliyay Paris Saint-Germain inuu doonayo inuu ka tago kooxda marka uu dhamaado qandaraaskiisa.

Kabtanka reer France ayaa ku dhawaaday inuu u dhaqaaqo Real dhowr jeer xirfadiisa ciyaareed, isagoo u muuqday mid qarka u saaran inuu ku biiro Real sanadkii 2022 ka hor inta uusan heshiis qaali ah u saxiixin PSG, lakiin waxa uu horey u sheegay in mustaqbalkiisa la shaacin doono ka hor Euro 2024.

Si kastaba ha ahaatee sanadkan waxa ay u muuqataa in wadnihiisa uu qarka u saaran yahay inuu baxo, iyadoo kooxda mudada dheer jecel ee Real Madrid ay tahay meesha ugu macquulsan ee uu aadi doono.

Sidaasi darteed, ciyaartoy dhowr ah oo ka tirsan labada xul ee France iyo Real Madrid ayaa la weydiiyay rajada ay ka qabaan inay ka garab ciyaaraan Mbappe – kaasoo laga yaabo inuu yahay ciyaaryahanka ugu fiican adduunka haatan – laakiin Kroos ayaan ka hadlin fikirkiisa ku aadan xiddiga.

“Haddii xataa isagu aanu garanayn, sidee baan ku garan karaa? Muhiimadu waa in aad wax ku guulaysato. Waxay u fiicnaan lahayd Madrid, laakiin waxaan qabaa inaan horey u haysanay koox wanaagsan, “ayuu ku yiri shir jaraa’id.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga