
Carlo Ancelotti ayaa xaqiijiyay in Dani Ceballos uu taam ahaanshihiisa ku soo laabtay isla markaana uu diyaar u yahay inuu soo laabto kulanka Alaves ee axada.
28-sano jirkaan ayaa ugu dambeyntii bilaabay inuu boos ka helo khadka dhexe ee Real ilaa sideed sano ka dib markii uu kaga soo biiray Real Betis.
Ceballos waxa uu ahaa mid ka mid ah ciyaaryahannada loogu kalsoonaan karo ee Carlo Ancelotti xilli ciyaareedkan, laakiin waxa uu seegay 10-kii kulan ee ugu dambeeyay ka dib markii uu dhaawac soo gaaray ka dib guushii ay ka gaareen Real Sociedad bishii Februay 26.
Laacibka heerka caalami ee dalka Spain, oo labo sanno amaah ku joogay Arsenal bilowgii waayihii Mikel Arteta, ayaa seegay lugtii hore ee kooxdiisii hore usbuucii hore, laakiin wuxuu ciyaari doonaa Arbacada Bernabue.
Be the first to comment