Real Madrid Oo U Dhaqaaqday Badalka Leny Yoro.

Real Madrid ayaa u muuqata in ay wayday saxiixa Leny Yoro oo ku biiray Man United waxana ay damacsantahay in ay la wareegto Aymeric Laporte.

Kooxda reer Spain ayaa aad u doonaysay saxiixa xiddiga Lille laakiin ma aysan dooneynin inay iska bixiso lacagaha lagu doonayay xiddiga.

Red Devils ayaa ku soo biirtay tartanka xiddiga kuna garaacday kooxda Los Blancos taas oo keentay in ay Real suuqa u gasho daafac kale.

Real ayaa dareenkooda u jeedinaysa xiddiga Laporte kaas oo haatan ka ciyaara horyaalka sucuudiga gaar ahaan kooxda Al-Nassr.

Kooxda Ancelotti ayaa suuqa ugu jirta daafac kale waxana ay u dhaqaaqi doontaa Laporta oo 30 sano jir ah.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga