Kooxaha Real Madrid iyo Manchester City ayaa mar kale ku kulmaya wareegga 16-ka ee Champions League, kulan taariikhi ah oo jabin doona rikoor cusub.
Real Madrid vs Manchester City F.C.
-
Kooxda uu hoggaamiyo Pep Guardiola ayaa si toos ah ugu gudubtay wareegga 16-ka kadib markii ay ku dhammeysatay top-8 League Phase-ka.
-
Real Madrid ayaa soo martay wareegga play-off-ka, halkaas oo ay 3-1 guud ahaan kaga adkaatay SL Benfica.
Jadwalka Labada Lugood
-
Lugta 1aad: 11 March– Santiago Bernabéu (Madrid)
-
Lugta 2aad: 18 March– Etihad Stadium (Manchester)
-
Rikoor Taariikhi Ah
Kulankan wuxuu noqonayaa kii ugu horreeyay ee taariikhda Champions League ah oo laba koox ay ku kulmaan wareegyada bug-baxa shan xilli ciyaareed oo xiriir ah.
-
15 kulan ayay guud ahaan ku kulmeen Champions League.
-
Labada kooxba waxay guuleysteen 5 kulan.
-
5 kulan ayaa barbaro ku dhammaaday.
-
Real Madrid: 25 gool
-
Man City: 26 gool
Waxay noqdeen xafiiltan Yurub oo dhab ah 5tii sano ee la soo dhaafay.
Be the first to comment