Real Madrid Oo Nus Darsin Goolal Ah Ku Xasuuqday Monaco

Kooxda Real Madrid ayaa gaartay guul weyn kaddib markii ay 6–1 ku xasuuqeen Monaco kulankii wareegga toddobaad ee marxaladda horyaalka ee tartanka Champions League, kaas oo ka dhacay garoonka Santiago Bernabéu.

Real Madrid ayaa hogaanka qabatay daqiiqaddii 5-aad gool uu dhaliyay Kylian Mbappé,  ka hor inta uusan Mbappé mar kale dhalin goolka labaad daqiiqaddii 26-aad, ka dib caawin uu sameeyay Vinícius Júnior.

Daqiiqaddii 51-aad, Franco Mastantuono ayaa dhaliyay goolka saddexaad, isagoo ka helay caawin Vinícius, halka daqiiqaddii 55-aad uu Thilo Kehrer si kama’ ah kubadda ugu leexiyay shabaqiisa, kaddib karoos ka yimid Vinícius, taasoo noqotay goolka afraad ee Real Madrid.

Daqiiqaddii 63-aad, Vinícius Júnior ayaa dhaliyay goolka shanaad ee Real Madrid, caawin ayaana ka helay Arda Güler, halka Jordan Teze uu dhaliyay goolka kaliya ee Monaco daqiiqaddii 72-aad. Ugu dambeyn, Jude Bellingham ayaa dhaliyay goolka lixaad daqiiqaddii 80-aad.

Guushan kaddib, Real Madrid ayaa dhibcahooda gaarsiisay 15 iyagoo si ku-meel-gaar ah ugu jira kaalinta labaad, halka Monaco ay ku hareen 9 dhibcood iyagoo ku jira kaalinta 20-aad.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga