Warbixino wargeysyo Spain ah ayaa sheegay in kooxda Real Madrid ee Spain ay diidday fikradda ah inay la saxiixato difaaca reer Holland, Virgil van Dijk, oo ka tirsan kooxda Liverpool.
Ciyaaryahanka da’diisu tahay 34 sano jirka ah ayaa heshiiskiisa kula kordhiyay kooxda Liverpool bishii Abriil ee la soo dhaafay, ilaa xagaaga sanadka 2027.
Wargeyska Isbaanishka ah ee AS ayaa sheegay in Virgil van Dijk uu xilli ciyaareedkii hore xiriir la sameeyay kooxda Real Madrid, si uu ugu biiro kooxda “Los Blancos”.
Wargeyska AS ayaa intaas ku daray in xiddiga reer Holland uu diiday dalabyo dhowr ah oo uga yimid kooxo kale, oo ay ku jirto kooxda Al Hilal maadaama mudnaantiisu ay ahayd inuu ku biiro kooxda boqortooyada — Real Madrid.
Wargeyska AS ayaa sheegay in kooxda Los Blancos ay dooratay inay raadsato difaac kale, waxayna badalkiisa keentay difaaca reer Spain Dean Huijsen oo ay ka soo qaateen Bournemouth.
Sidoo kale, wargeysku wuxuu sheegay in Real Madrid aysan ku qancin saxiixa Van Dijk, sababo la xiriira da’diisa iyo dhaawicii halista ahaa ee jilibka (ACL) ee uu soo gaaray sanadkii 2020.
Van Dijk ayaa ku biiray Liverpool isagoo ka yimid Southampton bishii January 2018, wuxuuna tan iyo markaas u saftay 333 kulan isagoo dhaliyay 30 gool.
Be the first to comment