Daafaca Arsenal, Riccardo Calafiori, ayaa soo jiitay xiisaha Real Madrid, iyadoo tababare José Mourinho uu si weyn ula dhacay awooddiisa, isla markaana u arko xulashada koowaad ee lagu xoojin karo booska daafaca bidix.
Sida ay sheegtay TEAMtalk, Real Madrid ayaa si dhow ula socota xaaladda ciyaaryahanka 24-jirka ah, kaasoo tan iyo markii uu Bologna kaga soo biiray Arsenal sannadkii 2024 noqday xiddig muhiim u ah kooxda.
Calafiori ayaa awood u leh inuu ka ciyaaro daafaca bidix iyo daafaca dhexe, taasoo sare u qaadday qiimihiisa indhaha kooxda reer Spain.
Warbixintu waxay sheegaysaa in Real Madrid ay durba wax ka weydiisay xaaladdiisa. Waxa uu ka mid yahay xulashooyinka ugu sarreeya ee ay Madrid dooneyso inay ku xoojiso daafaceeda xagaaga soo socda. Si kastaba, waxay sidoo kale xiiseyneysaa Josko Gvardiol oo Manchester City ka tirsan.
Dhanka kale, Arsenal ayaa ku adkeysaneysa in ineysan iibin Calafiori. Qandaraaskiisa ayaa soconaya ilaa 2029, taasoo kooxda London siinaysa awood ay kaga hortagto xiisaha Madrid, Arsenal ayaa qorsheyneysa inay 2027 kala hadasho kordhinta qandaraaskiisa, balse hadda waxay mudnaanta siineysaa heshiisyada Jurrien Timber, Martin Ødegaard iyo Declan Rice.

