Kooxda Real Madrid ayaa la sheegay inay dib u soo cusboonaysiisay xiisihii ay u qabtay daafaca kooxda Liverpool, Ibrahima Konate, halka daafaca Dortmund ee Nico Schlotterbeck uu hoos uga dhacay liiska ciyaartoyda ay doonayaan.
Konate oo 26 jir ah weli go’aan kama gaarin mustaqbalkiisa Liverpool, waxaana u muuqata inuu ka tagi karo kooxda si xor ah (free agent) marka uu qandaraaskiisu dhammaado dhamaadka xilli ciyaareedkan.
Sida uu qoray wargeyska BILD, kooxda Real Madrid ayaa mar kale xiisaynaysa daafaca Faransiiska ee Ibrahima Konate, sababtoo ah waxaa suuragal ah in aan lacag wareejin (transfer fee) badan laga bixin, maadaama Nico Schlotterbeck uusan hadda ku jirin kaalmaha ugu sarreeya ee liiska ciyaartoyda ay rabaan.
Kooxda Borussia Dortmund ayaa la filayaa inay dalbato qiyaastii €40 milyan haddii la doonayo Schlotterbeck, kaas oo sidoo kale lala xiriirinayo kooxda ay xafiiltamaan ee Barcelona.
Warar badan ayaa sheegaya in Real Madrid ay qorshaynayso inay soo iibsato daafac dhexe (centre-back) xagaagan, maadaama ay rabaan inay dib u cusboonaysiiyaan difaacooda oo ay dhibaato ka haysato da’ iyo dhaawacyo badan.
Be the first to comment