Real Madrid Oo Alonso U Sheegtay Halka Waddo Ee Uu Ku Badbaadin Karo Shaqadiisa Iyo Badalkiisa Oo Ay Heleen.

Tababaraha Kooxda Real Madrid Xabi Alonso ayaa la siiyay kaliya hal kulan oo uu ku badbaadin karo shaqadiisa Real Madrid.

Real Madrid ayaa ku jirta xaalad xun kadib markii ay guuldaro lama filaan ah kala kulantay Celta Vigo kulankii ugu dambeeyay ee La Liga.

Madaxweynaha kooxda Real Madrid Florentino Perez Iyo agaasinaha kooxda Jose Angel Sanchez ayaa kulmay si ay uga hadlaan mustaqbalka Alonso.

Maamulka Real Madrid ayaa u sheegay Alonso in uu shaqadiisa waayi doono hadii ay Real Madrid guuldaro kala kulanto Man City champions League.

Wargayska Athletic ayaa sheegaya in Real Madrid haatanba calaamadsatay badalka Alonso hadii shaqada ka caydhiyaan tababaraha.

Isla wargayska ayaa sheegaya in maamulka Real Madrid u diyaarsadeen xiddigii hore ee Real Madrid Arbeloa in uu noqdo badalka Alonso hadii ay shaqada ka caydhiyaan Tababaraha.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga