Real Madrid Ka Hadashay Xaqiiqada Wararka Sheegaya In Trent Alexander-Arnold Loo Sheegay In Uu Isaga Tago Kooxda

Saxafiga José Félix Díaz  oo aad ugu dhow naadiga Real Madrid, ayaa shaaca ka qaaday xaqiiqda mowqifka tababare Álvaro Arbeloa ee ku aaddan xiddiga Ingiriiska Trent Alexander-Arnold, kaddib hadal-heyn badan oo maalmihii dambe ka jirtay mustaqbalkiisa kooxda.

Díaz wuxuu sheegay in Arbeloa uu wada-hadal toos ah la yeeshay Arnold, isla markaana uu u xaqiijiyay inuu noqon doono ciyaaryahan muhiim ah oo tiir-dhexaad u ah mashruuca kooxda marka uu si buuxda uga bogsado dhaawaca. Wuxuu sidoo kale carrabka ku adkeeyay kalsoonida weyn ee uu ku qabo tayadiisa farsamo iyo awooddiisa saameynta garoonka dhexdiisa.

Wuxuu intaa ku daray in Arbeloa uu taageero buuxda siiyay ciyaaryahanka, iyadoo ay jirto kalsooni weyn oo ka imaneysa shaqaalaha farsamada iyo maamulka naadiga oo ku aaddan kartidiisa. Tababaruhuna wuxuu sugayaa in Arnold uu si buuxda u helo diyaar-garowgiisa jir ahaaneed si loogu bilaabo in lagu tiirsanaado safka koowaad.

Jose Felix Díaz ayaa si cad u beeniyay wararka sheegayay in Arbeloa uu Trent Alexander-Arnold u sheegay inuusan ku jirin qorshayaashiisa mustaqbalka, isagoo xaqiijiyay in wararkaas ay yihiin kuwo aan sal iyo raad toona lahayn, isla markaana aan ka tarjumayn xaqiiqda ka jirta gudaha naadiga.

Real Madrid ayaa xagaagii hore kala soo wareegtay Arnold kooxda Liverpool, iyagoo ku bixiyay 10 milyan oo yuuro, balse ciyaaryahanka ayaa xilli-ciyaareedkan la kulmay dhaawacyo is-daba joog ah oo caqabad ku noqday horumarkiisa iyo la qabsigiisa funaanadda kooxda Real Madrid.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga