Ratcliffe OO Ruben Amorim U Qabtay Wakhti Uu Ku Muujiyo Tayadiisa.

Sir Jim Ratcliffe wuxuu siiyay Ruben Amorim muddo saddex sano ah si uu wax uga beddelo Manchester United.

Amorim waxaa loo magacaabay tababaraha kooxda Red Devils bishii November 2024, waxaana loo xilsaaray inuu kooxda ku celiyo tartanka heerka sare.

Si kastaba ha ahaatee, xaaladdu waxay noqotay mid ka soo horjeedda waxa la filayay intii uu Ruben Amorim maamulayay Old Trafford, iyadoo Manchester United ay la kulantay guuldarrooyin waaweyn.

Inkasta oo ay gaareen finalka Europa League xilli ciyaareedkii hore, haddana Man United waxay dhigtay rikoodhkii ugu xumaa ee taariikhdooda Premier League, maadaama ay ku dhamaysteen kaalinta 15aad.

Xilli ciyaareedkan cusubna si liidata ayay ku bilaabeen, iyagoo lumiyay saddex ka mid ah toddobadii kulan ee horyaalka ilaa hadda.

Dhanka kale, bishii August ayay si ceeb ah uga hareen tartanka Carabao Cup, kadib markii ay guuldarro ka soo gaartay kooxda heerka labaad ee League Two, Grimsby Town.

Amorim, oo loo magacaabay beddelka Erik ten Hag bishii Nofeembar 2024, weli ma uusan diiwaan gelin laba guulood oo xiriir ah isagoo ah tababaraha Manchester United, waxaana sii kordhaya baaqyada taageerayaasha ee ku aaddan in la cayriyo.

Si kastaba ha ahaatee, waxay u muuqataa in baaqyadaas aan lagu dhaqaaqi doonin wakhti dhow, maadaama Ratcliffe, oo ah milkiilaha wadaagga ah ee Man United, uu ku adkaystay inuusan samayn doonin go’aanno degdeg ah, gaar ahaan kuwa la xiriira mustaqbalka Amorim.

Hase yeeshee, Ratcliffe wuxuu siiyay digniin 40-jirkaas, isagoo sheegay in la rabo in la arko calaamado muuqda oo horumar ah saddexda sano ee soo socota.

Wuxuu u sheegay The Times podcast isagoo leh:

“Xilli-ciyaareed wanaagsan ma uusan yeelan. Ruben waa inuu caddeeyaa inuu yahay tababare weyn saddex sano gudahood. Taas ayaan anigu ka joogaa”

 

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga