Rasmus Højlund Oo Man United Tusay Awoodiisa Xilli Ciyaareedkan.

Rasmus Højlund ayaa durba sameynaya saameyn ka xoog badan horyaalka Serie A marka loo eego wixii uu ka sameeyay England xilli-ciyaareedkii hore.

Sida ay sheegtay Squawka, weeraryahanka reer Denmark ayaa dhaliyay shan gool oo horyaalka ah isagoo u ciyaaraya Napoli xilli-ciyaareedkan.

Tiradaas ayaa ka badan goolashii uu ka dhaliyay Premier League isagoo u ciyaarayay Manchester United xilli-ciyaareedkii hore, markaas oo uu dhaliyay afar gool.

Farqiga ayaa sii muuqda marka la eego tirada kulamada la ciyaaray.

Højlund wuxuu gaaray tiradaas goolasha Napoli isagoo ciyaaray 20 kulan ka yar intii uu u baahnaa Manchester United.

Tirooyinkani waxay muujinayaan horumar weyn oo uu sameeyay marka loo bar-bar dhigo xilli ciyaareedkii hore.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga