Waxaa soo idlaaday heerkii ugu muhiimsanaa ee heerka guruubyada ee tartanka UEFA Nations League waxana la ogaaday 8 xul ee wareegay sideed dhamaadka, kaasoo bilaaban doona bisha March ee soo socota.
Nidaamka European Nations League waxaa ka mid ah u soo bixida kaalmaha koowaad iyo labaad ee afarta kooxood ee heerka koowaad, halka kaalimaha seddexaad iyo afaraad ay u laabteen heerarka hoose ee B iyo C.
Group-yada ayaan ka dhicin wax la yaab leh oo ku saabsan kooxihii soo baxay ama ku guul daraystay in ay soo baxaan, marka laga reebo Belgium oo aan u soo bixin oo ku jiray Group-ka ugu adag ee France iyo Italy.
Xulka qaranka Spain oo difaacanaya tartanka ayaa u gudbay wareega xiga halka ay sidoo kale u soo bexeen xulalka France iyo Portugal oo ku guulaystay tartanka.
isku aadka wareega 8 dhamaadka ayaa la qaban doonaa jimcaha soo socda si loo ogaado sida ay kooxuhu isugu aadi doonaan.
halkan hoose kaga bogo xulalka u soo baxay wareega xiga.
Portugal
Croatia
France
Italy
Spain
Denmark
Be the first to comment